Hay’ad ka tirsan DF oo ku tumatay Dastuurka dalka u yaalla & xafiiltan nooc hoose ah oo ka socda dhanka Madaxtooyada

0

(Muqdisho) 23 Luulyo 2021 – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, ayaa saaka laga hor istaagey inuu ka dhoofo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, mar uu u duuli lahaa Garbahaarrey.

Macallimuu laftiisa ayaa sheegay in “qofka bixiyey amarka lagu celiyey uu yahay nin la yiraahdo Cabdullaahi Kullane Jiis” oo taliye xigeen ka ah Nabad Sugidda aadna ugu dhow MW Farmaajo iyo Villa Somalia, isagoo RW Rooble faray inuu arrintan tillaabo ka qaado.

Celinta Cusmaan Macalimuu ayaa looga dabaaqayaa celintii iyaduna sharci darrada ahayd ee Kismaayo looga soo celiyey Cabdi Cali Raage taasoo MW Farmaajo ka dhigaysa nin xafiiltankiisu uu qof kasta ku jin yahay.

Arrintan ayaa sidoo kale marka laga soo tago inay ku tumanayso Dastuurka Dalka waxay si cad u jebinaysaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in aan cidna diyaarada laga celin karin oo NISA, Hey’adda Socdaalka iyo Shirkadaha diyaaradaha ku wargeliyay in cidii safar laga celiyo inuu Tallaabo ka qaadi doono.

Hadalsame Media