XAYAYSIIN SAL-XAGAALIS AH: Sawiridda iyo ku faanidda dad ciyaaro daawanaya & guryo dadwayne dhisteen (Xasan & Farmaajo….)

0

(Muqdisho) 17 Luulyo 2021 – Waxaa si isa soo taraysa usoo badanaya dayaacad u adeegsiga howlo ay bulshadu iskeed u qabsatay oo aan xiriir toos ah la lahayn howl ay dowladi qabatay ama lagu maalgeliyey canshuurta dadwaynaha, taasoo lafteedu ah shaqo ay dadku qabsadeen marka lagu eego indhaha dunida wax fahmaysa. Taas waxaan u dhiganayaa maalin kale.

Aan usoo laabto moowduucee, waxaa shalay Muqdisho ka dhacday ciyaar xiise badnayd oo dhexmaraysay Horseed iyo Mogadishu City, balse dad badani ciyaartiiba ma aadine waxay diiradda saareen siyaasad aan wax xiriir ahba la lahayn ciyaartii dhacday, taasoo dishey dhadhankii ciyaartii.

2 arrimood ayaa ugu wayn waxa ay dadkaasi doonayaan inay ku faanaan waa garoonka buuxa iyo cidda garoonka dayactirtay, balse labaduba shuqul kuma laha cidda la doonayo in lagu xayaysiiyo.

1 – Garoonkani 1995-kii sidaas ayuu u buuxey oo ciyaar loogu daawanayey, xilligaasna Muqdisho dowlad iyo maamul ka taliyaa ma jirin, waxaad hoos ka arki kartaa sawirkii final-kii Tartankii Nabadda ee ELMAN vs SITT iskugu soo hareen.

2 – Dayactirka garoomada Muqdisho waxa ilaa 2012-kii soo waddey FIFA oo horay usoo dayactirtay Konis Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha. Waxaa kale oo jira dalal taageero saanadeed ka gaystey.

Xitaa haddii la yiraahdo Madaxwaynihii xilligiisa la joogo hallagu xayaysiiyo, waxaa lasoo qaatay sawirrada Xasan Sheekh, balse dadku waxay illoobeen in isagu uu Madaxwayne ahaa markii la dayactiray garoonkii ugu horreeyey ee la dayactiro oo ah Konis, sidaa darteed, waa in ugu yaraan cadaalad laga noqdaa qaabka la isula xiriirinayo dayactirka iyo Madaxwaynaha xilligaa jooga.

Haddii aan intaa uga haro xayaysiinta sal-xagaaliska ah, waxaa hubaal ah inay Somalia yaallaan malaayiin howlood oo DF iyo Maamullada dalka qabasho uga baahan, waxaana koow ka ah in dadka adeeg hufan oo waxtar leh loo qabto ee aan lagu maaweelin sheeko xariirooyin iyo iidhehyo luga gaaban oo ay dadka waxgaradka ihi u jeedaan inay marin habaabin ku dhisan yihiin, kuwaasoo dilaya qiyamka ciddii samaynaysa.

Sawir wayn oo meel lagu dhejiyo ama shaashad lagu celceliyo, ama guryo dabaqyo ah oo ay dad dhisteen oo sawirradooda lagu faano ma xallinayaan xasaradaha Somalia ka taagan waxqabadna uma noqonayo qofkii doonayo inuu wax dhab ah qabto oo ay hortiisa yaallaan malaayiinta howlood ee aan sheegay.

Dalka malaayiin mashaqo ayaa taale maaweelada hallaga daayo. Qofkii waxqabad run ah rabaana inuu is xayaysiiyo umaba baahna, annagaa bilaash ku xayaysiinayna.

Muqdisho 1995-kii, dhamaadkii Tartankii Nabadda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media