”Itoobiya, Eritrea & Somalia waa wada guulaysanayaan!” – Aqoonyahan Itoobiyaan ah oo farta ku fiiqay reer Galbeedka

0

(Addis Ababa) 17 Luulyo 2021 – Dejene Assefa oo ah gayfane Itoobiyaan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Africa iyo dhallinyarada ayaa soo dhoweeyey iskaashiga Geeska Afrika, isagoo dhaliilay faragelinta reer Galbeedka.

Ninkan ayaa tixraacaya qaaquullooyinka Itoobiya lagu furay tan iyo markii taliska lagala wareegey labada qoowmiyadood ee ay Masiixigu hoggaanka u hayaan ee Tigreega iyo Amxaarada oo nidaamkooda lagu naanayso ”Boqortooyada Sulaymaaniga ah.”

”Waxaa la gaarey xilligii aannu wada guulaysan lahayn! Itoobiya, Eritrea iyo Somalia. Sixirkii iyo saan-gudubkii waa bureen hadda,” ayuu ku bilaabay Assefa.

”Geeska Afrika waa inay kasoo toostaa dambaska suuxdinta iyo kabaabyada reer Galbeedka.” ayuu raaciyey.

Dad badan ayaa qaba in istaraatijiyadda ay reer Galbeedku dheelayaan ay tahay in markasta la helo nidaamyo colaad ka dhex ooga dalalka deriska si loo hor istaago horumar gobolka ka hana qaada, waxay sidoo kale reer Galbeedku aad u diiddan yihiin saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeeshay Itoobiya iyo Afrika.

Hadalsame Media