Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga oo sheegay inay dib u qabsadeen magaalada Bacaadwayn

0

(Bacaadwayn) 17 Luulyo 2021 – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen magaalada istaraatijiga ah ee Bacaadwayn.

Magaalada Bacaadwayn ayaa waxaa dhowaan qabsaday kooxda Al Shabaab oo weerarro ka waddey qaybo ka tirsan Mudug iyo Galguduud.

Ciidamada ayaa baahiyey sawirro muujinaya ciidamo ka tirsan Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee SNA oo sare u taagaya Calanka Somalia iyo qoryohooda, si ay u muujiyeen inay guulaysteen.

Magaalada ayaa ka tirsan Maamulka Galmudug oo sheegay in ay ciidamadoodu ka qayb qaateen dagaalka.

Sidoo kale lama oga halkii ay ku dambeysey arrin ku saabsan Maamulka oo sheegay inay ku hareereysan yihiin 60 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Hadalsame Media