Arrintan ay eersatay Ikraan oo la iftiimiyey & arrin sii kordhinaysa shakiga laga qabo ku lug lanaashiyaha NISA

0

(Muqdisho) 17 Luulyo 2021 – Taliyihii hore ee Nabad Sugidda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa wareysi uu siiyey idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga kusoo qaaday xog cusub oo ku saabsan gabadha la la’yahay ee Ikraan Tahliil Faarax oo haatan 19-maamood sii maqan.

Sanbaloolshe oo sheegay inuu isagu qoray gabadha la la’yahay ayaa tilmaamay in baxaalliga dhacdadu uu muujinayo in ay gabadhani ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda ee NISA, oo uu qiray inay ka tirsanayd.

“Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in kiiskan Hay’adda Nabad Sugidda ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira,” ayuu yiri Sambaloolshe.

”Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Xogta (database) ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayay kasoo bixi doontaa.” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in waloow aanu doonayn in uu kiiska ka hor dhoco misna DF laga doonayo inay meel ku tirto Ikraan Tahliil oo sida CCTV ka muuqata gurigeeda looga qaaday gaari la sheegay inay leedahay NISA 26-kii Juun, xilli fiid ahayd.

Si kastaba, arrinta shakiga wayn keenaysa ayaa ah in NISA oo ay gabadhu xubin muhim ah ka ahayd ay ilaa haatan ka aamusan tahay maqnaanshiyaha gabadha taasoo sii kordhinaysa faraha iyada ku fiiqan, iyadoo ay caadi ahayd inay ka hadasho si kastaba.

Hadalsame Media