Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City oo kulan kala bax oo kale ah ku ballansan (Sababta xiisaha keenaysa)

0

(Muqdisho) 16 Luulyo 2021 – Waxaa galabta kulan aad u adag oo kala reebe ah ciyaaraya labada naadi ee Horseed SC iyo Muqdisho City Club, kaasoo ka dhici doona gegada Muqdisho Stadium.

Kulankan ayaa waxaa marka xafiiltanka labada naadi laga soo tago waxaa micne gaar ah u yeelaysa inay labada kooxi isku dhibco yihiin oo ay min 34 dhibcood leeyihiin, jeer uu horyaalku dhamaad yahay.

Labada naadi ayaa waxaa u harsan min 2 kulan oo uu ku jiro midka ay galabka ku kala baxayaa, taasoo ka dhigan in kooxdii galabta badisaa ay leedahay rajo aad u sarraysa oo ay horyaalka ku hanan karto.

Dadwayne aad u fara badan ayaa kusii qulqulaya gegada Istaadiyo Muqdisho oo ah midka ugu ballaaran dalka Somalia.

Hadalsame Media