Waxay u guursatey raasumaalkiisa dartii balse maxaa ka raacay?! (Qiso dhab ah oo cibro leh)

0

(Hadalsame) 15 Luulyo 2021 – Waxay u guursatey Biliyineer lacagtiisa awgeed! Maxay kala kulantay? Qiso dhab oo cibro qaadasha ah.

Maria oo u dhalatay dalka Norwey oo ka shaqeyn jirtay maqaaxi Magaalada Oslo ku taala. ayaa xidhiidh la lahayd Kevin oo ka shaqeyn jiray geerash. Waxa ay ahaayeen lamaane is jecel oo isku doonan noloshooda “Vience”. Maria iyo Kevin waxay nolosha ka lahaayeen hami weyn oo ah in ay mustaqbalkooda farxad ku dhamaystaan.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Maria oo joogta goobteedi shaqada waxaa yimi nin taajir oo Bilyineer ah, gaadhigu uu wato waa nuuca qaaliga ah ee Ferrari, saacada iyo dharka uu xidhanyahy ayaa iyaguna ah kuwo aad u qaaliya.

Waxay ay sameysay adeegii shaqo. Markii shaqadii ay u dhamaysay ayuu ku yidhi, ” Quruxleey uma qalantid in aad halkan ka shaqeyso.”

Si qosol leh ayey ugu jawaabtay “Mahadsanid ” iyado kaftan moodaysa. wuxu ku yidhi, ” Ka waran haddii aad aniga ila noolaato Villa dayda oo nolol qiimahaaga leh ku noolaato” runtii yaab iyo amakaaga ayaa iskugu yimi, waanay u qaadan weyday. Wuxuu ku yidhi, ” Hoo Business Card kayga kaas igala soo xidhiidh markaad go’aan gaadho.” Waanu ka dhaqaajiyey.

Maria oo inabadan dhib nafsiya ku qabtay adduun la’aanta Kevin iyo nolosha saboolnimo ee Saxiibkeed. Iyadoo àad u jeclayd ku noolaanshaha nolol qaaliya oo wax kasta oo jeceshahay hesho.

Waxa ay timi aqalkii, ” Waxa ay aragtay Jacaylkeedi Kevin oo guriga ka dhex ooyaya! laabteeda ayaa ay gelisay waxa aanay ku tidhi, ” Maxa ku helay noloshaydiyoow.?” Waxa uu ugu jawaabay ” Shaqadii geerashka ayaa la iga soo caydhiyey.” Maria oo qalbigeeda ka holcaysa oo ka sii xun ayaa si afka baarkiisa ugu tidhi, “Waa ay hagaagsaa gacaliye”

Maalin kaddib waxa ay la xidhiidhay Bilyineerkii 30, Sanno ka weynaa. Waxa ay u sheegtay in ay diyaar u tahy in ay la noolaato. Si degdeg ah ayaa ay gurigiisi ugu wareegtay waxay ay gashay noloshii ay jeclayd ee inta badan ku haminaysay. Guri qaaliya oo Maacuun iyo agab quruxoon dhex yaallaan. Waxay heshay wax kasta oo ay sawiran jirtay. Telefoonkiina way ka xidhatay saxiibkeedi saboolka ee Kevin.

Mudo kaddib waxa ku bilowday cidhiidhi nafsaani ah iyo is fahan la’aan qofka ay la nooshahay. Wax laga jaray noloshii saxiibtinimada, waxay dareenatay qaab addoonsi ah oo kale. Waxa ay dareenatay in aanay meesha oolin jacayl iyo is dhagaysi sidoo kale ixtiraam iyo kalgacayl midna ka helin. Noloshii ay haystay iyo filashadii ay ka qabtay ayaa ku noqday mid aan qalbigeedu raaxo ku dareemayn.

Muddo Shano sanno ah ayaa ay noloshaas quusta iyo farxad la’antaa ku noolayd. Ugu dambayn waxa ay garatay in aanay aheyn noloshi ay ku haminaysay. Go’aan aad u adag ayaa ay qaadatay oo halis ah!

Maalin maalmaha ka mida oo ay banaanka u raacday ninkii ay la noolayd caasumadna ay ka qayb galeeen. Waxa ay go’aansatay in fursad u tahay tani ay kaga baxdo noloshan. Daqiiqado markii xafladii ay joogeen ayaa ay ka baxstay meeshii.

Waxa ay raadisay cinwaankii jacaylkeedi horre ee Kevin. waxa ay heshay Gurigii uu magaalada ka deganaa. Markii ay gaadhay aqalkiisa albaabka ku garaacday. Waxa albaabka ka furay saxiibkeed kevin. Naxdin iyo amakaaga ka dib waxa ay uga warantay wax kastaaba sida ay u dhaceen iyo khaladkii ay ka gashay.

Kevin oo si fiican u dhagaystay hadalkeeda ayaa ku yidhi, ” Waan ka xumahay waxaan ahay Aabbo iyo xaas. waxaan ku noolahay nolol Degan oo aan ku qanacsanahay. Waxaan leeyahy saddex geerash ama garaash oo waaweyn waxaan ku jira nolol aynu Berri ku riyoon jirnay.” albaabka ayaa annu Iska xidhay.

Waxa ay damacday in ay ku laabto Gurigii ay degnayd. Ninkii kale ay ku laabtay ayey kala kulantay waji gabax kale. Wuxuu u sheegay in ay tahay mid ceebaysay oo madal xaflad ah kaga dhex baxstay sidaa awgeedna uu Isla xafladii ka soo dhex bartay gabadh ka da’yar oo qurux badan. sidii ayaa uu ayadana guriga kaga soo caydhiyey. waxaan ku dhacday labbada dhinacba in ay lumiso.

Hasha labada geel jecel midna gaadhi weydee laba gebi dhexdoodii waraabuhu ku gowracay. waa heestii Hanuuniye uu qaadi jirey sidaas ayaa gabadha ku dhacday.

Akhriste maxaa kaaga baxay dulucda sheekada?

Turjumidii: Yuusuf Aadan Tarabi

Hadalsame Media