”Yaan VIP uun la ilaalinin!” – Dadwaynaha oo dhaliil ka muujiyey ciyaal dhibaato ku haya dadka ciyaaraha ku daawada Istaadiyo Muqdisho

0

(Muqdisho) 16 Luulyo 2021 – Waxaa galabta kulan aad u adag oo kala reebe ah ciyaaraya labada naadi ee Horseed SC iyo Muqdisho City Club, kaasoo ka dhici doona gegada Muqdisho Stadium.

Kulankan ayaa waxaa marka xafiiltanka labada naadi laga soo tago waxaa micne gaar ah u yeelaysa inay labada kooxi isku dhibco yihiin oo ay min 34 dhibcood leeyihiin, jeer uu horyaalku dhamaad yahay oo ay 2 kulan oo qur ihi ka hareen.

Yeelkeede, waxaa jirta nidaamin xumo laga sheeganayo dhinaca amaanka, gaar ahaan dhinacyada garoonka marka laga reebo qaybta gaarka ah ee VIP-da, iyadoo ay jiraan ciyaal rabshado ka sameeya dhinaca Kataangaha garoonka ee kasoo horjeeda VIP-da.

Waxaa kale oo laga sheegtay ciyaal dadwaynaha ku dhagxinaya dhanka woqooyi ee xiga Xaafadda Toowfiiq iyo Miisaanka Dhuxusha oo ay badiyaa soo weeraraan Ciyaal Wirif u baahan in dadka laga qabto, si ay ciyaaruhu nabad ugu qabsoomaan.

”Si taageerayaasha imaanaya ay u daawadaan cayaar qurux leh waxaa lagama maarmaan ah in si isku mid ah looga warqabo daawadayaasha oo aan keliya muhiimadda la siinin dadka VIP-da ku jira sida maalin walba dhacda,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xasan oo ka mid ah dhallinyarada halkaa u daawasho tagta.

”Garoonka Istaadiyo Muqdisho wuxuu u baahan yahay in la xakameeyo fowdada ay cayaal xaafadeedku galab walba la taagan yihiin. Galabta oo uu kulanka ugu adag ku dhex mari doono Horseed iyo MCC; haddii aanan la helin isbeddel iyo jawi ka qurxan fowdada iyo tuuryada ka socota qaybta waqooyi ee garoonka waxay isu rogi kartaa dhacdooyin aanan lagu farxin.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media

Facebook Comments