”Dadku hubkeenna ayay saf ugu jiraan!” – Ruushka oo goob uu hubka cusub ku tijaabiyo ka dhigtay dal Muslim ah + Sawirro

0

(Moscow) 15 Luulyo 2021 – Ruushka ayaa la sheegayaa in uu Suuriya u adeegsanayo kabdhood uu hubka cusub ku tijaabsado, isagoo ilaa haatan halkaa ku baroobeeyey ilaa 320 nooc oo hub cusub ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushanka, Sergei Shoigu, ayaa xilli uu booqday Suuriya sheegay in howlgalka ay soo geleyso dayuuradda cusub ee qumaatiga u kacda ee Rostvertol oo lagu sameeyo Rostov-on-Don, Russia.

Bishii Febraayo, Yuri Borisov, oo ka mid ah saraakiisha sare ee millateriga ayaa farta ku godey “in macaamiishu ay saf usoo galeen hubka ay waxgalnimadiisa ku ogaadeen dagaalka Suuriya,” kaasoo ay ku dhinteen kumannaan dad ah tan iyo 2011.kii.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in Ruushka oo qur ihi uu Suuriya ku laayey dad Suuriyaan ah oo gaaraya in ka badan 6,000 oo rayid ah.

Ruushka ayaa haatan Suuriya ku leh 18 xero oo ciidan isagoo isbahaysi la leh kooxda Kurdiga ah ee YPG oo joogta bariga Webiga Furaat, gaar ahaan Hassakeh, Raqqa, Manbij and Ain al-Arab (Kobani) oo ka tirsan Xalab.

Warbixintan cusub oo ka kooban 200-bog ayaa Ruushka looga codsaday inuu mas’uuliyad qaato kaddib markii la waraystay 150 qof oo goobjoog ah oo sheegay in eheladooda uu Ruushku ku laayey duqaymo aan loo aaba yeelin.

Gantaalaha daafaca CIRKA ee Buk-M2 ee uu Ruushku sameeyo oo ka mid ah hubka Suuriya lagu tijaabiyey. Ciidamada Badda Ruushka oo gantaallo kuruus ah ku garaacaya bartilmaameedyo ka tirsan Suuriya, iyagoo jooga badda Caspian Sea, Nofeembar 20, 2015.

Putin oo wax ku shiishaya qoriga qannaaska ah ee SVCh-308 ee ay samayso Kalashnikov Concern.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media