Somalia & Kenya oo qaaday tillaabooyin ay ku wanaajinayaan xiriirkooda xumaaday (Is arag dhacay & wixii laga arrinsaday)

0

(Nairobi) 15 Luulyo 2021 – Kenya iyo deriskeeda galbeedka ka xiga ee Somalia ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay ku wanaajiyaan xiriirkooda kaddib markii uu gaarey meel aad u hooseeysa.

Dowladda Somalia ayaa dabayaaqadii 2020 waxay xiriirka si rasmi ah ugu jartay Kenya oo ay ku eedaysay inay ku tacadisey madax bannaanida geyi ee Somalia, iyadoo diblomaasiyiinteeda loo qabtay 7 maalmood.

Shalay waxaa kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad Dibadeedka Kenya, Danjire Macharia Kamau iyo Danjiraha Somalia ee Kenya Mohamed Ali Nur Tarsan, si boorka looga jafo xiriirka labada dal.

“Danjire Macharia Kamau wuxuu la kulmay Amb Mohamed Ali Nur, si loo sahmiyoqaabab cusub oo iskaashi dhexmara sida dhaqanka, ganacsiga, ICT, nabadda iyo amaanka.” ayay soo tweet garaysay WAD Kenya.

 

Kornaylka howlgabka ah ee Afhayeenka u ah Dowladda Kenya, Cyrus Oguna, ayaa isna sheegay in Nairobi ay guddi u saartay waxyaabaha xiisadda ka dhex aloosaya labada dal ee deriska ah, iyadoo bishii Juun ay labada dal go’aansadeen inay xiriirkooda wanaajiyaan.

Danjire Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Somalia, Mohamed Abdirizak Mahamud, ayaa sheegay inay telefoonka uga wada hadleen arrimo badan.

Hadalsame Media