Shirkadaha dayuuradaha Imaaraadka oo ay jug xumi kasoo gaartey cudurka Covid-19 (Qandaraas la baabi’iyey)

0

(Dubai) 14 Luulyo 2021 – Shirkadda Imaaraatiga ah ee Flydubai ayaa shalay ku dhawaaqday inay shirkadda Boeing kula heshiisey in wax laga bedelo heshiis ay horay ula gashay si loo baajiyo qorshe ay 65 dayuuradood oo 737 MAX 8 ah kusoo iibsan lahayd.

Sababta baajinta ayaa waxaa loo aaneeyey saamaynta dhaqaale ee uu coronavirus ku yeeshay shirkadda Flydubai oo dayuuradahan dalbatay 2013 iyo 2017, sida ay sheegtay shirkadda Fly DUBAI oo ay leedahay Dowladda Imaaraadku.

Shirkadda ayaa sheegtay in heshiiska wax laga bedeley iyadoo hadda heshay 2 xabbo oo ah Boeing 737 Max 8 bishii tagtay ee Juun, iyadoo 11 kalena heli doonta dabayaaqada sanadkan 2021-

Flydubai ayaa haatan ku shaqaysa raxan ka kooban 52 Boeing 737 iyadoo dareemaysa hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay shirkado badan oo kuwa dayuuradaha ah.

Iskaashatada caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa dhowaan sheegtay in xannibaadaha cudurka Covid-19 ay caalamka kasii jiri karaan ilaa 2024-ka.

Shirkadda kasii wayn ee Imaaraatiga ah ee Fly Emirates, ayaa bartamihii Juun iyaduna ku dhawaaqday khasaare saafi ah oo gaaraya $5.5 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media