SAWIRRO: Koonfur Afrika xitaa naxashka maydka iyo doofaarro nool waa la bililiqaystay (Wararkii ugu dambeeyey)

0

(Johannesburg) 14 Luulyo 2021 – South Africa ayaa waxay muquuranaysaa moowjado qulqulatooyin ah iyadoo ay maalintii 5-aad ay halkaa bililiqo baahsani ka soconayso, iyadoo halkaa lagu diley dad ka badan 70 qofood oo ay Soomaali ku jirto, iyadoo ay dadku rabshadahan ugu marmarsoonayaan xiritaanka MW hore ee Jacob Zuma oo musuq dartii loo xirey.

Dibedbaxayaasha ayaa dhac iyo boob ugu dhaqaaqay meheradaha dadwaynaha iyagoo ku doodaya in sinnaan la’aani ay dalkaa ka jirto xitaa kaddib 27 sanadood oo laga joogo xilligii uu dhamaaday midab kala soocu.

Faqriga ayaa sii laxaadsaday iyadoo ay si wanaagsan u muuqdeen faqriga dhaqan dhaqaale ee u dhexeeya bulshada kaddib xannibaadaha COVID-19 oo ay dadku shaqo heli waayeen ama toodii hore waayeen.

In ka badan 1,200 qofood ayaa la xirey iyadoo ay rabshaduhu ugu daran yihiin 2 gobol oo kala ah Gauteng iyo KwaZulu-Natal oo ay dadku qaateen wax kasta min cunto, naxashka maydka, agabka korontada, khamri ilaa doofaarro nool nool.

2,500 askari oo millateri ah ayaa lasoo daabulay si ay u caawiyaan Booliiska oo laga saa’id caleeyey kuna fashilmay inuu ilaaliyo amaanka meheradaha la dhacayo.

Hadalsame Media