”Way wada gooyeen!” – Dalal waawayn oo reer Yurub ah oo qaaday tillaabo ka dhan ah Maraykanka oo hiillo u ah Muslimiinta

0

(Quddus) 14 Luulyo 2021 – Danjirataasha Jarmanka iyo Faransiiska iyo dhowr kale oo ka socda dalal Midowga Yurub ah (EU), ayaa u gooyey munaasabad ay Safaaradda Maraykanku ku qabatay magaalada la haysto ee Quddus, sida hadda lagu faafiyey warqaadka Israeli-ga ah ee Ynet News.

US embassy moved to Jerusalem - Cartoon [Chappatte/Twitter]

US embassy moved to Jerusalem – Cartoon [Chappatte/Twitter]

Xafladdan ayaa Safaaradda Maraykanka oo beri dhowayd Quddus u guurtey waxay qabatay 4tii Luulyo, si loogu maamuuso Maalinta Xorriyadda Maraykanka.

Safaaradda ayaana casuuntey Danjirayaasha iyo howlwadeennada Safaaradaha caalamiga ah ee wakiillada ku leh Israel, sida uu qoray, according to Ynet News.

Ynet News ayaa intaaraaciyey in Danjirayaasha EU ay go’aansadeen inay xafladda u gooyaan maadaama ay ku taallo meel aan la isku wada raacsanayn oo ah Quddus, taasoo ay gaar ahaan aad u diiddan yihiin inta badan dalalka Muslimku.

Waxaa sidoo kale jira dalal badan oo reer Galbeed ah oo aan Quddus u aqoonsanayn caasimadda Israel, balse u haysta magaalo la haysto.

Dalalka ay Danjirayaasheedu gooyeen waxaa ka mid ah Jarmanka, Faransiiska, Romania, UK, Kosovo, Australia, Norway, iyo Canada oo iyadu ka tirsan Woqooyiga Ameerika.

Arrintan ayaa weji gabax ku noqotay maamulka cusub ee Maraykanka ee Joe Biden oo doonaya inuu wanaajiyo xiriirka EU, kaasoo aad u xumaaday xilligii Trump oo ah ninka Safaaradda Quddus geeyey.

Hadalsame Media