MW Real Madrid Florentino Perez oo ceeb la dhex fariisiyey (Cod sir ah oo laga faafiyey)

0

(Madrid) 14 Luulyo 2021 – MW Real Madrid ee Florentino Perez ayaa ceeb la dhex taagey kaddib markii la faafiyey codka isaga oo xamanaya laacibiin halyeeyo ka ah kooxda Real.

Perez ayaa kabaha la dul maray laacibiinta Iker Casillas iyo Raul Gonzalez, kuwaasoo guulo waawayn la gaarey kooxda Real Madrid oo ah naadiga ugu guusha badan Yurub.

”Casillas uma qalmo inuu noqdo Goolwalaha Real Madrid. Maxaad iga rabtaa inaan iraahdo. Ma aha abidna ma ahayn. Wuxuu ka mid yahay khiyaanoolayaasha ugu waawayn Real,” ayuu warkiisa ku bilaabay Perez.

”Kan 2-aad waa Raul. Labada khayaanoole ee ugu waawayn Real waa Raul oo uu ku xigo Casillas.” ayuu raaciyey Perez oo hadlayey 2006-dii, balse codkiisa hadda la faafiyey.

Perez ayaa codkiisa haatan la faafiyey u sababeeyey in lagu xumeeynayo maadaama uu u ololeeyey European Super League oo ay aad uga xumaatay UEFA.

Hadalsame Media