Ingiriiska oo anshax xumada taageerayaashooda ku waayi kara martigelinta Koobka Adduunka 2030 (Laacib Ingiriis ah oo arrintaa taageeray)

0

(London) 14 Luulyo 2021 – Anton Ferdinand ayaa rumaysan in England laga joojiyo martigelinta tartan caalami ah inta ay xal uga heleyso cunsuriyadda baahsan iyo qaaquullooyinka bulsho ee ay taageerayaashoodu sameeyaan.

Dhamaadkii Euro 2020 ee ay Italy kaga guulaysatey Ingiriiska Axaddii ayaa waxaa hareeyey rabshado weji gabax ku noqday sumcadda Ingiriiska min dad 5,000 ka badan oo tigid la’aan kusoo galay, astaanta calanka dalalkii martida ahaa oo lagu orrinayey ilaa cunsuriyad iyo gacan ka hadal ay wehliso magaaladii oo la wasakheeyey.

Waxaa sidoo kale gaar lo beegsaday laacibiinta Ingiriiska ee Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka rigoorayaal ka cunay dalkaasi, iyadoo ay rabshado ka dheceen fagaaraha London ee Leicester Square iyo Wembley kahor iyo kaddib ciyaarta.

Sidaa darteed, laacibkii hore ee West Ham iyo QPR ee Anton Ferdinand oo u saftay Xulka England ayaa soo jeediyey in dalkiisa aan lagu qabanin Koobka Adduunka 2030 oo uu u sharraxan yahay inta uu dhibaatadan ka xallinayo.

‘Haa, waa in ay ciqaabi jirtaa. Taasi waa sida ay dadku wax u bartaan. Dunida maanta lagama ogolaan karo doqomo jaahiliin ah, marka waa in arrintan la xalliyaa.” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale Ingiriiska ka socda arji dadwayne oo lagu doonayo in garoomada cimrigooda laga mamnuuco cunsuriyiinta taasoo milyan dhaaftay.

Hadalsame Media