DAAWO: Xulka Talyaaniga oo ka degey magaalada Roma si waynna loosoo dhoweeyey + Sawirro

0

(Roma) 12 Luulyo 2021 – Xulka Talyaaniga oo xalay Koobka Qaramada Yurub Ingiriiska ku qaaday kaddib markii uu rigoorayaal uga badiyey isla dalka Ingiriiska ayaa isla saaka kasoo degey magaalada Roma.

Xulka Talyaaniga oo markii 2-aad qaaday Koobka EURO si uu kaalinta 2-aad uga galo dalalka ugu guusha badan tartankan qaaradeed ee xiisaha badan ayaan Ingiriiska ku daahin si ay ula xafladeeyaan taageerayaasha Talyaaniga.

Xulka Talyaaniga oo haatan ah Horyaallada Yurub ayaa saaka 6:20 ka degey gegada caalamiga ah ee Roma Fiumicino halkaasoo ay kusoo dhoweeyeen taageerayaal jidbaysan iyo saxaafaddu.

Waxaa ugu soo hor degey macallin Mancini, iyo kabtan Chiellini iyo koobkii, iyadoo xalay ilaa saaka ay Talyaaniga ka soconayaan dabaaldegyo badan maadaama aysan Talyaanigu koobkan qaadin tan iyo 1968-kii, waloow ay dhowr mar final yimaaden.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media