Tiknolojiyad nooc cusub ah oo kusii kordhaysa Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 12 Luulyo 2021 – Waxaa Muqdisho iyo meelo ka tirsan Somalia kusii badanaya ”Guryaha Cagaaran” ee lagu beero dalagga dedan, taasoo ah tiknolojiyad dunidu muddo ku caana maalaysey, balse Somalia ku cusub.

”Dhismaha Shan guri beereed (Greenhouse) oo si casri ah wax loogu beeray iyo sameeynta waraabka dhibic dhibcda ah ba, wa mid kamid ah mashariicda aan la wadaagnay kulliyadda beeraha ee jaamacadda Muqdisho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sabriye oo howlahan ka shaqeeya, beer noocan ahna ka sameeyey Deg. Dayniile.

”Jaamacadda waxaan kala shaqeeynay dhismaha iyo tababarka shaqaalaha beerta heer ay gaartay in ay si aan caadi ahayn saameey ugu sheeshaan suuq-yada qudaarta ee xamar.” ayuu raaciyey.

Fulinta dhismaha beeraha waxaa iska leh sharikadda Rahema Agricultural Services- RAAS oo ah sharikadda dhista greenhouse-yada bixisana tababarrada beerashada casriga.

Hadalsame Media