Goorta la furayo Safaaradda Imaaraadka ee Israel oo la shaaciyey (Dhaqan liita oo lagu arkay Danjiraha Imaaraadka)

0

(Tel Aviv) 12 Luulyo 2021 – Dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si rasmi ah maalinta Arbacada ah ee soo aaddan wuxuu Safaarad uga furan doonaa caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv, iyadoo munaasabadda lagu casuumey MW Israel ee Isaac Herzog.

Danjiraha Imaaraadka ee Israel, Mohammad al Khaja, ayaa munaasabadda marti gelin doona waxaana ka mid ah xaflad xarig jarid ah.

Danjire Al-Khaja ayaa si kastaba Israel ku sugnaa tan iyo Maarso 1; xaaskiisa iyo 4 carruur ah oo uu dhalay ayaa se weli deggan Khaliijka, balse la filayaa inay dhaqse ugu soo biiraan.

Dabayaaqadii Juun, Wasiir Dibadeedka Israel ee Yair Lapid ayaa si rasmi ah u furay Qunsuliyad Guud oo ay Safaaradda Israel ka furatay Dubai.

Imaaraadka oo la dareensan yahay inuu abidkii xiriir hoose la lahaa Israel ayaa wax badan uga tanaasuley Israel oo fursado badan ka heli doonta Imaaraadka oo aan isagu taa bidaalkeeda dan wayn oo cusubi aysan uga muuqan heshiiskan marka la eego qaddiyadaha meesha yaalla.

Danjiraha Imaaraadka ee Israel ayaa xitaa mar la arkayey isaga oo ka ”ducaysanaya wadaad ama rabaay Yuhuudi ah oo caan ah, taasoo aad loogu faaqiday baraha bulshada Muslimiinta iyo dunida Carabta. Halkan ka akhri.

Hadalsame Media

Facebook Comments