Muxuu MW Farmaajo ka yiri ”dib u doorashada” RW Itoobiya ee Abiy Ahmed?

0

(Muqdisho) 11 Luulyo 2021 – MW Somalia, Md Farmaajo, ayaa hambalyo u diray RW Itoobiya Abiy Ahmed oo la sheegay inuu ku guulaystey doorashada Itoobiya.

”Waxaan si diirran ugu hambalyaynayaa RW Abiy Ahmed oo dib u helay sharciyad adag oo ay siiyeen dhacabka Itoobiya,” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay MW Somalia.

”Somalia waxay sii ambaqaadaysaa la shaqaynta dowladdiisa si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo gobolku. Guul wayn baan kuu rajeeyey, Md RW.” ayuu raaciyey.

MW Farmaajo ayaa muddadii uu xilka joogey xiriir dhow la lahaa RW Itoobiya iyo MW Eritrea, balse waxaa lagu dhaliilaa in xiriirkaasi uu u egyahay mid shakhsi ah kaddib kulamo dhowr ah oo gaar ahaa, iyadoo aan marna Baarlamanka DF iyo shacabka loo faahfaahin nooca uu yahay heshiiska ama aan su’aalo laga waydiinin sida ay u arkaan.

Hadalsame Media