Somalia oo ka mid noqotay dalalka ugu qaalisan qaaradda Afrika dhanka bilaabista ganacsi cusub (Arag Afrika oo idil)

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2021 – Qaaradda Afrika oo aad ugu dambaysa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin kaabayaasha muhimka u ah horumarka iyo sidoo kale hannaanka siyaasiga ah ee furfurnaanta iyo xisaabtanku ku dheehan yahay ayaa haatan la ogaadey inay dhinac kalena ku liidato.

Waa furfurnaanta hannaanka dhaqaalaha gaar ahaan dhinaca ganacsiga marka uu qof doonayo inuu ganacsi ka samaysto ama ka bilaabo qaaradda.

Dalka ugu qaalisani waa Equatorial Guinea oo in ganacsi laga bilaabo oo qura ay ku kacayso 2,321 doollar, dalka Rwanda oo ugu macquulsani wuxuu qofka siinayaa 2 sanadood oo bilaash ah, balse kaddib waa inuu jeebkiisa fuulaa.

Dalkeenna Somalia oo aanu xitaa amaan buuxaa ka jirin balse soo kabanaya ayaa ka mid ah meelaha ugu qaalisan Afrika waana 900 oo doollar, isagoo aad uga sarreeya dalalka deriska ah oo aad uga nabdoon, taasoo muujinaysa xisaabtan la’aan baahsan, marka lasoo jiidanayo maalgashiga caalamiga ah.

Hoos ka eeg qiimaha dal kasta oo Afrika ah ganacsi looga bilaabi karo.

Hadalsame Media