Boqoradda & RW UK oo farriin u diray Xulka Ingiriiska & Macallinkooda oo ka digey arrin anshax xumo ah oo ay sameeyaan taageerayaashiisu

0

(London) 11 Luulyo 2021 – Macallinka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa la hadlay laacibiinta Xulka Ingiriiska iyo taageerayaashiisa kahor kulanka caawa ee Wembley Stadium.

“Waa cajiib farriinta nooga timid Boqoradda iyo Raysal Wasaaradaha UK, wiilashu howl fiican ayay qabtaan, waxaana dhamaadka u joognaa inaan badinno oo aan koobka qaadno” ayuu yiri.

FOORI FOOQLAYN – Macallin Southgate ayaa dhanka kale farriin u diray taageerayaasha Ingiriiska oo inta badan lagu yaqaanno inay foowdo ka sameeyaan tartamada caalamiga ah.

“Waa muhim inaad had iyo goor xushmaysaan kooxda idinla ciyaaraysa, waa caadi in firimbiga la adeegsado oo kooxda kale lagu cabsi geliyo inta ay ciyaartu socoto, balse waa inaan lagu yeerin astaanta calanka dalka kale.” ayuu usoo jeediyey Southgate.

Macallinka ayaa sidoo kale sheegay in uusan jeclayn kelmadda ‘Football Coming Home’, taasoo uu sheegay in muddo 15 sanadood ah uu xanuunsanayey markii uu maqlo, isagoo sidoo kale ka digey in kooxda marna la amaano marka ay wax ka khaldamaanna cambaarayn lagu fataho sida kulankii Scotland, isagoo soo jeediyey in dadka Ingirisku bartaan sida loola macaamilo tartamada caalamiga ah.

Taageerayaasha Ingiriiska ayaa horay ugu fooriyey astaanka Calanka Jarmanka iyo dalal kale oo ay wajaheen intii uu tartankani soconayey.

Hadalsame Media