DAAWO: ”Been baa la idiin sheegay!” – Shacabka Afrika oo la yaabay muuqaal cajib ah oo uu wiil Ghanian ihi ka sameeyey Muqdisho

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2021 – Wiil dhallinyaro ah oo la yiraahdo Wode Maya oo ah weriye madax bannaan oo Youtube-ka caan ka ah ayaa muuqaal cusub oo uu kasoo sameeyey Somalia, gaar ahaan Muqdisho wuxuu soo jiitey dad badan oo Afrikaan ah.

Maya oo isku daya inuu bedelo aragtida gurracan ay ay gaddo saxaafadda reer Galbeedka oo mar kasta rinji wasakhaysan marisa waxa ay u bixiyeen Dunida 3-aad guud ahaan, gaar ahaan Afrika oo uu doonayo booqdo 55-ka dal ee ay ka kooban tahay ayaa dhex maray Muqdisho habeen iyo maalinba.

Muuqaalka uu sameeyey oo ay ka fal celiyeen dad kumannaan ah oo Afrika u badan ayaa sheegay inay la yaabeen waxyaabo ay ka mid yihiin quruxda magaalada, nadiifnimada xeebta iyo sida ay dadku u faraxsan yihiin, xilli ay magaalada ka haysteen sawir murugo uun ku saabsan.

Qaar baa ku baaqay in Afrika ay iyadu iskaga fillaato iibinta muuqaalladeeda togan, halkii ay inta meel fariisato ay sugi lahayd inay saxaafadda dunida kale ka kaafiyaan kuwo taban oo niyad jab abuuraya.

Hoos ka DAAWO….

Hadalsame Media