”Waxaa la igu beeciyay internet-ka, maadaama aan Muslim ahay!”

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2021 – Axadii la soo dhaafay, haween badan oo Muslimiin ah oo ku nool Hindiya ayaa ogaaday in loo iib geeyay bogag internet-ka ah, iyaga oo an war ka haynin.

Hana Khan, oo ah duuliye oo uu magaceeda ku jiray liiska, ayaa BBC-da u sheegtay in ay ku soo baraarugtay markii ay saaxiibteed u soo dirtay fariin dhanka Twitter-ka ah oo ku saabsan dhacdada.

Markii ay farriinta furtay waxaa la socday lifaaq oo markii ay gijisayna geeyay barta “Sulli Deals” oo ah barnaamij iyo bog internet oo si bareer ah u qaatay sawirrada haweenkan, isla markaana abuuray qoraallo la socday sawiardooda la soo dhigay barta.

Wuxuu ku tilmaamaya inay yihiin dumarka diyaar u ah in ay galaan “heshiisyo maalmeed”, oo micneheedu yahay in maalmo lala seexan karo oo ay jirkooda ka ganacsadaan.

Bogga hore ee App-ka waxaa saaran sawir haweeney aanan la aqoon. ka dib markii ay hoos u sii dhaadhacday Hana waxay aragtay sawirrada asxaabteeda ka dibna sawirkeeda ayay aragtay.

“Waxaan tiriyey 83 magac waxaana suuragal in intaasi ay ka badan yihiin,” ayey u sheegtay BBC-da.

“Sawirkeyga waxay ka soo qaateen Twitter-ka waxaana ku qornaa magacayga. Barnaamijkan wuxuu socday muddo 20 maalmood ah, mana aanan ogeyn arintaan. Niyad jab ayay igu rideen”, ayey tiri.

App-ka ayaa laga dhigay sida inuu dadka isticmaalo siinayo fursad ay ku iibsadaan “Sulli” – oo ah erey afxumo ah oo ay adeegsadaan xagjiriinta Hinduuga ah, kaas oo ay ku aflagaadeeyaan haweenka muslimiinta ah.

“Ma jirin wax iib dhab ah, noocuu doono ha ahaadee – ujeedka barnaamijka wuxuu ahaa oo kaliya in lagu bahdilo haweenka muslimiinta ah.”

Hana Khan waxay sheegtay in loo bartilmaameedsaday diinteeda darteed.

“Waxaan ahay gabadh Muslimad ah oo la arkay, lana yaqaano. Waxaan ka hadlaa dhibaatooyinka iyo tacaddiyada”, ayay tidhi.

“Waxay rabaan inay na aamusiyaan.”

GitHub – barta internet-ka ee martigalisay barnaamijka – ayaa si dhakhso ah u xirtay cabashooyinka.

“Waxaan joojinay akoonnada isticmaaleyaasha, ka dib baaritaanka warbixinnada ku saabsan arrintan iyo dhacdooyin kale, kuwaas oo dhammaantood ku xadgudbaya sharciyada GitHub,” ayay tiri shirkaddii Martigelineysay APP-kaas oo warbixin soo saartay.

Kuwa ka soo muuqday App-ka ayaa dhammaantood ahaa haween Muslimiin oo cod dheer wax ku sheega ama ku dhaleeceeya, oo ay ku jiraan saxafiyiin, dhaqdhaqaaqayaal, farshaxanisteyaal iyo cilmi baarayaal.

Haweenay kale ayaa u sheegtay laanta afka Hindiga ee BBC: “Si kasta oo aad u adag tahay, haddii sawirkaaga iyo macluumaadkaaga kale ee shaqsiyadeed la shaaciyo, way ku cabsi gelinaysaa, wayna ku khalkhalinayaan.”

Laakiin dhowr haween ah oo macluumaadkooda lagu wadaagay App-ka ayaa qabsaday baraha bulshada kuwaas oo wacad ku maray in ay la dagaallami doonaan arrintan.

Presentational white space

Dadka sameeyay barnaamijkan ayaa adeegsaday aqoonsiyo been abuur ah, balse Hasiba Amiin, oo ah isku duwaha baraha bulshada ee xisbiga mucaaradka ee Congress-ka, ayaa eedeysay dhowr cinwaan oo si joogto ah u weerara Muslimiinta, gaar ahaan haweenka Muslimka ah, waxayna sheegtaan inay taageeraan siyaasada dhanka Hinduuga mayilka adag.

Tani ma ahan markii ugu horeysay, Hasiba Amin ay sheegto in haweenka Muslimiinta ah sidan oo kale loo bartilmaameedsado.

13-kii May, markii ay Muslimiintu u dabaaldegayeen Ciida, kanaal Youtube ah ayaa soo dhigay “Ciid Khaas ah” – “xaraash” toos ah oo loogu talagalay haweenka Muslimiinta ah ee ka kala yimid Hindiya iyo Pakistan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Twitter ayaa hakisay cinwaano sheeganayay inay iyaga ka dambeeyeen App-ka lagu bartilmaameedsaday haweenka Muslimiinta, ayna dhowaan soo rogaal celin doonaan.

Muslim women in India

Xigashada Sawirka, AFP

Ololeeyayaashu waxay sheegeen in ku xadgudubka internet-ka uu awood u leeyahay “xaqiraadda, cabsi gelinta iyo ugu dambeyn aamusiinta haweenka”.

Toddobaadkii la soo dhaafay, in ka badan 200 oo jilaayaal caan ah, fannaaniin, saxafiyiin iyo saraakiil dowladeed oo ka socday adduunka oo dhan ayaa qoray warqad furan, oo ay ku boorrinayaan maamulayaasha Facebook, Google, TikTok iyo Twitter inay mudnaanta koobaad siiyaan badbaadada haweenka.

Warbixin ay soo saartay Amnesty International oo ku saabsan dhibaataynta internet-ka ee Hindiya, sannadkii la soo dhaafay, waxay muujisay sida haweenka firfircoon loogu bartilmaameedsado.

Nazia Erum, oo ah qoraa iyo afhayeenkii hore ee Amnesty ee Hindiya, waxay sheegtay in dumarka Muslimiinta ah ay ku yaryihiin baraha bulshada.

“Weerarkan loo qorsheeyay ayaa loogu talagalay in lagu caburiyo haweenka Muslimiinta ah ee wax bartay ee ra’yigooda dhiibta oo ka hadla Islaam nacaybka. Waa isku day la doonayo in lagu aamusiyo iyo in lagu ceebeeyo,” ayay tiri.

Hasiba Amin ayaa sheegtay in kuwa wax dhibaya aysan “wax cabsi ah qabin, maxaa yeelay, way ogyihiin in ay badbaadi doonaan”.

Hana Khan ayaa tiri: “Haddii booliska aysan helin kuwa na galiyay iibka, waxaan aadayaa maxkamadaha”.

“Waan sii wadaayaa ilaa dhamaadka.”

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media