Raheem Sterling oo ka sheekeeyey arrin dad badan calooshooda dhaqaajisay!!

0

(London) 10 Luulyo 2021 – Laacibka Man City iyo Xulka Ingiriiska, Raheem Sterling, oo beryahan wajahayey dhaleecayn ku saabsan inuu yahay laacibiinta is tuura ee faawallada jila, kaddib rigoorihii jilacsanaa ee loo dhigay kulankii England vs Denmark, ayaa ka hadlay arrin dad badan calooshooda dhaqaajisay.

Sterling ayaa ka sheekeeyey nacayb mar kasta lagu wajoho isaga iyo qoyskiisa xitaa mar uu hooyadii guri u iibiyey, taasoo uu sheegay inuusan hadda ku hurdo seegaynin maadaama ay qoyskiisu si wanaagsan u nool yihiin.

Wuxuu dadka xusuusiyey noloshii adkayd ee ay soo mareen isagoo xusay in 15-sano kahor ay dhaqayeen musqulaha Stonebridge oo ah xaafad ku taalla London Borough of Brent oo ka tirsan Harlesden, Woqooyi Galbeed London, sidoo kalena ay adkayd inay quraac toosan helaan.

”Hooyadeey waxay dalkan timid iyadoo aan waxba haysanin, haatanna waxay madax ka tahay rug lagu xannaaneeyo waayeellada, wiilkeeduna wuxuu u dheelaa Xulka Ingiriiska.” ayuu ku tookhay.

Hadalsame Media