Shiinaha oo kashifay mashruuc uu 30 sano qarinayey oo ku saabsan daroon badeed ”caqli macmal ah leh”

0

(Beijing) 09 Luulyo 2021 – Shiinaha ayaa kashifay daroon biyadood uu muddo dheer qarinayey kaasoo loogu tala galay inuu bartilmaameedsado wax lagu sheegay ”gujisyada cadowga”, sida ay warbixinnadu sheegayaan.

Mashruucan ayaa soo socdey tan iyo 1990meeyadii iyadoo tafaasiisha lagu kashifay qoraal soo baxay todobaadkii tegey.

Daroonkan ayaa 10 sanadood kahor lagu tijaabiyey Marinka Taiwan Strait iyadoo aanay jirin cid la socota, sida uu haatan qoray South China Morning Post, oo intaa raaciyey in daroonkani uu “arki karo gujiska iyo asalkiisa isagoo adeegsanaya Calqiga Macmalka ah (AI)”, isagoo deeto go’aan iskii ah gaaraya si uu ugu dhufto gantaal badeedka loo yaqaan torpedo.

Mashruucan ayaa waxaa maalgeliyey Ciidamada Xoraynta Dadwaynaha Shiinaha ee PLA, balse lama oga sababta ay haatan u kashifeen mashruucan oo awal qarsoodi ahaa xilli ay kacsan tahay xiisadda Marinka luuqa ah ee Taiwan Strait ee u dhexeeya gasiiradda fallaagowdey iyo dhulwaynaha Shiinaha.

Hadalsame Media