Khilaafka & kala durkidda Imaaraadka iyo Sacuudiga: Saameyn maku yeelan karaan doorashada Somalia?

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2021 – Sanadahaan dambe xidhiidhka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo siyaasaddooda dibadda ku dhisnayd cudud (Hawkish) ku muquuninta “Kacdoonka Carbeed” ee 2011 iyo ka xiridda albabbada xukunka ururrada Akhwaan Muslimiinta ayaa u muuqday mid uu soo dhexgalay is-maandhaaf khuseeya arrimaha gobolkooda.

Dagaalka Yaman iyo taageerada xad-dhaafka ah oo la siiyay inqilaabka askareed ee Masar iyo faraggelinta baahsan ee lagu hayo dawladaha Liibiya, Tuunis, Soomaaliya, Suuriya, oo ay wehlisay cadawtinnimada heerka sare la gaarsiiyay ee dalalka Iran, Turkiga, iyo Qatar ayaa tusaalooyinka ugu cad-cad ah.

Balse, waxaa la yiri “Labadii Sir Ku Heshiisay Caad Bay Ku Collobaan.”  Muranka wax soo saarka OPEC waxuu soo bandhigay loollanka u dhaxeya labada dal. 

Si loola socdo awoodda suuqa ayay aqlabiyadda isbahaysiga OPEC soo jeediyeen in la kordhiyo wax soo saarka 400 kun bishii ilaa laga gaaro 2022. Haseyeeshee Abu Dhabi oo Covid-19 dhulka la dhacay dhaqaalaheedii ayaa dooneysa inay iibiso in ka badan inta loo qoondeyay iyadoo baahida suuqa ay weli hooseyso.

Kala fogaashaha labada dal ayaa sii kordhaya iyadoo Imaaraadku uu si arxan la’aan ah u raacanayo danahiisa taas oo marqaati ma doonto u ah in saaxibtinnimo aysan waxba ugu ool.

Xidhiidhka Israa’iil ee waqtigan iyo ka takhalluska Shacbiga Falastiin waa arrin kale oo ay ku kala fogaadeen labada dal. Sidoo kale, xayiraadda Qadar, oo ay Riyadh horraantii sanadkan dib u soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa ah iyana arrin kale oo lagu kala tagay.

Gugii dhawaa, Amiir Maxamed bin Zayed oo ka cagajiidayay inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar ayaa ka soo qaybgelin casuumaad uu boqor Salmaan u fidiyey dalalka Qadar, Turkiga, iyo Imaaraadka. Ujeeddada kulunka waxay ahayd midaynta xoogagga iskaga soo horjeeday geeddi- socoka dowlad dhisidda Soomaaliya. 

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa Ra’iisalwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble uu June 8, 2021 qaabbilay Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, balse fariisinkiisa ka dhigtay Nairobi, halkaasoo dalkiisa safiir kale u fadhiyo.

Ma sahlana in dowladdaha khaliijka ay dib u soo celiyaa cilaaqaadka mar haddii uu burburo. Balse xog Jamhuriyadda soo gaartay ayaa sheegaysa in dal Carbeed oo gargelyo ka ahaa Amirka Abu Dhabi u soo jeediyey Soomaaliya inay wadaxaajood toos ah la yeelato Imaaraadka.

Walow, aan la fahmin sababta Imaaraadku u raadinayey heshiis aysan qayb ka ahayn Riyadh, haddana Villa Soomaaliya si taxaddar leh ayey u soo dhaweesay talada. Balse ma najixin.

Imaaraadka oo indhaha ku haya tartanka madaxtooyada Soomaaliya ayay u muuqataa inuusan dayacin waqti uu ku xusho musharrax ay taageersan yihiin.

Danjire Al-Hammadi waxaa hore looga bartay in markastoo uu soo dhawaado xilliga doorashada madaxweynaha inuu ka dhex muuqdo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u xusulduubaya hoggaanka dalka. 

Saciid Cabdullahi Deni oo u daayey xulafadiisii inay mala-awaalaan musharraxnimadiisa, ayaa socdaalkiisii Kismaayo, eedeyntii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo warar ay faafiyeen baraha bulshada dhaliyeen hadal hayn.

Malaha Deni waxuu u soo tafaxeetay inuu fuliyo qorshe laga la’yahay Cabdirakiim Xusein Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Xasan Cali Khayre oo u cadcad musharrixiinta tartanka ugu jirto madaxweynaha. Mise Amirka Abu Dhabi ayaa u adeegsanaya carqaladeenta dadaalka Riyad, Qadar, Turkiga iyo Mareykanka ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya?

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media