Celintii Raage Sharciga dalka raad kuma laha (RW Rooble xal baa laga rabaa)

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2021 – RW Max’ed Xuseen Rooble ayaan weli ka hadlin la Taliyaha MW Somalia ee shalay laga celiyey magaalada Kismaayo.

Arrinta xiisaha lihi waa inuu Kismaayo ku sugnaa RW Rooble markii la celinayey Raage, taasoo ay lasii jirto inay sharci darro tahay in qof magaalo dalka ka tirsan loogu diido ama looga musaafuriyo “inuu qabo ra’yi duwan.”

Waxaa kale oo ay arrintani muujinaysaa in hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyadu ay gacanta ku dhigeen maamulista iyo go’aaminta ciddii noqonaysa Xildhibaan Federaal ah taasoo ah  arrin aysan sharciyan xaq u lahayn misna kaba sarraysa howlaha ay u xil saaran yihiin, waayo doorashada Xildhibaanku waa arrin heer qaran ah.

Tan kale, dad baa hal arrin khalad u fahney. Tusaale, haddii xitaa magac Maamul-goboleed lagu soo xulayo Xildhibaanka taasi waa inuu gobolka ku metelayo Dowladda Dhexe.

Yeelkeede, madaxda Maamulladu heli maayaan xuquuq otomaatig ah oo ay ku go’aamiyaan ciddii Xildhibaan noqonaysa iyo ciddii kale.

Waa run in kooxda Farmaajo ay marar badan xeerka dalka ku tunteen, balse sida iyaga looga diidayo waa in cid kasta looga diidaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media