”Suuq kasta waa nooga horreeyaan!” – Ruushka oo walaac ka muujiyey gawaarida gaashaaman ee ay Turkigu sameeyaan (Arrin ay farta ku godeen)

0

(Moscow) 07 Luulyo 2021 – Madaxa naqshadda ee shirkadda gaadiidka gaashaaman ee Ruushka dhista ee Remdizel ayaa sheegay in Turkigu uu yahay dal ku ciriirinaya suuqa gawaarida gaashaaman ee caalamka.

Igor Zarakhovich, oo u warramay Sputnik, ayaa sheegay in dal kasta oo ay gaadiidkooda u iib geeyaan ay sidoo kale ku arkaan shirkado Turkish ah oo halkaa uga horreeya isla markaana xiriir wanaagsan la yeeshay dalalkaasi.”

Wuxuu sheegay in sababta sahashey guusha shirkadaha Turkigu ay tahay sharciga dalkooda oo u saamaxaya inay gaadiidkooda suuq gayn hordhac ah u sameeyaan iyagoo aan marka hore fasax rasmi ah uga baahanin Baarlamankooda.

Wuxuu soo jeediyey in haddii ay guul doonayaan ay tahay inay “marka hore helaan shatiga iib gaynta kaddib midka iib gaynta”, isagoo tilmaamay in qaabkaasi uu shirkadaha Ruushanka ah u sahlayo inay agabkooda dibedaha u iib geeyaan.

Wuxuu sheegay in shirkadaha Ruushka laga doonayo inay kaliya hubka iib geeyaan marka laga hubiyo hubka muhimka ah sida gujisyada, dayuuradaha, gantaalaha muhimka ah iwm, isagoo sheegay in marka ay wax kastaahi dhamaadaan uun ay qandaraaska saxiixi karaan.

Hadalsame Media