Gabar Muqdisho ka tagtay oo ay iska xirteen Booliiska Jigjiga (Hadallo is dhaafsan oo ay ku hadleen)

0

(Jigjiga) 07 Luulyo 2021 – Gabar magaceeda lagu sheegay Qureeysh Abiib Xuseen oo dhawaan ka safartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ayaa lagu warramayaa in sabab aan la sharrixin iyo dembi aan la sheegin loogu xirtey magaalada Jigjiga oo  ay reerkeedu degan yihiin.

Gabadhan ayaa la sheegayaa in goor habeen ah ay guriga Hooyadeed kala baxeen ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Gobolka Soomaalida.

Hooyada Qureeysh oo la Nimco Yuusuf la yiraahdo ayaa BBC u sheegtay in 29-kii bishii hore ee Juun gabadheeda xilli habeen ah ay guriga kala bexeen Booliiska Maxalliga ah ee Liyuu Police.

“Habeen xilli dhexe ayaa guriga la igu soo garaacay, waxaa la igu yiri fur guriga baaritaan ayaa socdee, markii aan furay waxaa la watay gabadheyda, anigana xoog ayaa la igu reebay, gabadha markiiba taleefanka ayaa laga qaaday, waxaan ka dalbaday booliska inay na baaraan, maadaama aan guriga uga furnay inay na baarayaan, balse jir-dil ayaa nagu bilaawday.” ayay tiri Hooyo Nimco Yuusuf.

Hooyadaan ayaa sidoo kale sheegtay inay Asaay siddo, haatana ay lasoo gudboonaatey arrintan walaaca miiran ah oo ay cadaalad u la’dahay gabadheeda oo booliska u xiran maalmo badan, isla markaana maalin kasta loo sheego in loo soo deynayo.

Waxay sheegay in habeenkii gabadha laga watay kaddib ay la xariireen booliska oo u sheegay in aanay wacaal u haynin gabadheeda, balse 4 maalmood kaddib ay misna sheegeen inay iyagu hayaan, welina aysan tusin, taasoo khalad wayn ku ah nidaamyada madaniga ah oo uu qofku xaq u leeyahay in loo sheego dembiga loo haysto, in maxkamad lasoo taago iyo in ehelkiisa la tuso.

Gabadha ayaa dhawaan ka soo tagtay magaalada Muqdisho oo ay mudo ku nooleyd, sida ay sheegtay hooyadeed, waxayna mudo ay waysanaayeen meesha lagu hayo kdadib dhawaan loo sheegay in boolisku ay baaritaan ku hayaan gabadha, waloow aan loo sharrixin waxa laga baarayo.

Ciidamada Liyu Police ayaa xilligii maamulkii hore tacaddiyo fara badan u gaysan jirey shacabka, waloow uu maamulka hadda jiro sheego inay taa ka horjeedaan.

Hadalsame Media