DANO IS DIIDDAN: MW Puntland oo lagu fahmey xeelad uu dheelayo oo halis ah (DF oo ka qaylisay)

0

(Muqdisho) 07 Luulyo 2021 – Wasiirka Qorshaynta DF Somalia ayaa kasoo horjeestey qaabka uu wax ku wado MW Puntland, Siciid Deni.

Wasiir Jamaal M Xasan ayaa Deni ugu baaqay in maadaama uu yahay musharrax u taagan doorashada Somalia ay khalad tahay inuu faraha kula sii jiro karinta doorashada.

“Kama sii aamusi karno tixgelin la’aanta Maamulka Puntland ee qiyamka doorashada. Deni ma aha inuu Deni dhex boodo arrimaha guddiyada doorashada ka musharrax ahaan.” Ayuu yiri Jamaal.

Wuxuu intaa raaciyey in xeeladda ka dambaysa daahinta musharraxnimadiisu ay tahay in uu isku duwdo xildhibaanno hadhow u codeeya inta uu yahay MW Puntland oo uu deeto MW Somalia isu sharroxo.

Hadalsame Media