Dalka qura ee Muslim ah ee haysta hub istaraatiji ah & dalka dhanka tiknolojiyadda ugu horreeya Muslimka oo iskaashi ku dhawaaqay + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2021 – Waxaa jira qorshe ay dalalka Pakistan-Turkey ay ku ballaarinayaan iskaashiga ka dhexeeya ee dhinacyada ganacsiga, daafaca, amaanka, dhaqanka iwm, sida uu sheegay MW Pakistan, Arif Alvi.

War kasoo baxay Madaxtooyada dalkaasi (Aiwan-e-Sadr), wuxuu MW Alvi hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la kobciyo iskaashiga labada dal ee walalaha ah.

Wuxuu sheegay in dhinaca gaashaandhigga ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidamada Lugta Turkiga oo Islamabad booqasho rasmi ah ku jooga Jen. Ümit Dündar.

Wuxuu kaloo amaanay hindisaha Mw Recep Tayyip Erdoğan oo kaalin wayn ka gaystey kobaca dhaqaalaha Pakistan iyo sidii loo midayn lahaa cududda Muslimiinta caalamka oo haatan hoos jooga saamaynta reer Galbeedka isla markaana wajahaya colaado ay shidayaan kooxo aan la fahmaynin wax micne leh oo u dagaallamayaan oo khalkhal ba’an ka wada gudaha dalal badan oo Muslimiin ah, taasoo u diidey inay wax qabsadaan.

Jen. Dündar, ayaa isna sheegay in Pakistan iyo Turkey aan lakala saari karin maadaama ay wadaagaan taariikh fog oo diin, dhaqan iyo sooyaal fog ku dhisan, isagoo tilmaamay in dadka Turkigu ay Pakistan walaalo u arkaan, isla markaana ay doonayaan inay kordhiyaan iskaashiyada dhanka difaaca.

Pakistan waa dalka qura ee Muslim ah ee haysta hub istaraatiji ah, halka Turkey oo iyaduna ah dalka haatan ugu horumarsan dhanka tiknolojiyaddu ay Pakistan ka caawiso dhinacyo badan sida dhismaha maraakiibta dagaalka iyo gawaarida gaashaaman.

Hadalsame Media