Waxaa la galay jawigii doorashada balse waxaa jira JIRRO halis ah oo ay saxaafaddu kasii jeeddo

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2021 – Showrka, shirarka, khilaafka, hanjabaadda, heshiiska, ololaha iyo hadalheynta saxaafadda ee doorashadu waa ay socdeen tan iyo sannadkii hore.

Hadda waxaad mooddaa in jawi doorasho oo dhab ah la galay, maaddaama la og yahay nooca, xilliga iyo goobta doorashada iyo waliba cidda maamuleysa.

Murashixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, murashixiinta Madaxtinnimada dalka, Guddiyada doorashada ee kala heerka ah iyo hey’adaha amniga doorashada intuba waxay ku jiraan diyaar garow.

Waan hubaa in aan saxaafaddu cidna uga baahneyn xusuusin oo ay dhinaceeda uga jirto diyaar garow isugu jira helidda taariikhda murashaxa, qabashada doodo muujiya fahamka, miisaanka iyo hadafka murashaxa. Sidoo kale habka xulista ergooyinka, xeerarka la adeegsanayo, cidda qabaneysa lacagta is diiwaangelinta iyo sida ay u maamusho, sida ay cod bixintu u dhacdo, amniga goobta iyo hannaanka loo wajaho iyo sida loo qaado dacwadaha wixii tabasho ah ee yimaada.

Waxaanse is weydiiyaa, maaddaama ay jiraan eedeymo ah in laaluush kursi lagu helo, laaluushkuna uu dembi yahay, saxaafaddu ma ka faa’iideysan doontaa teknoolojiga casriga ah iyo dadka faraha badan ee ololaha qeybta ka ah ee neceb laaluushka?

Ma ku dhiirran doontaa in ay shacabka u soo bandhigto murashax ama wakiil murashax oo bixinaya lacag shuruudda qaadashadeedu ay tahay cod? Mise awoodi doontaa in ay farta ku fiiqdo, caddeyn biyo kama dhibcaan ahna ay ka daba keento ergey ama xildhibaan uu codkiisu iib yahay amaba laga iibsaday?

Waxaan u qabaa in ay taasi dhimi karto ama ugu yaraan dhib ka dhigi karto bixinta, qaadashada iyo isku halleynta laaluushka, ayna wax ka tari lahayd kalsoonida ay shacabku ku qabi doonaan hannaanka doorashada iyo Madaxda ku soo baxda.

Dabcan saxaafadda aan ka hadlayaa waa tan uu hadafkeedu yahay dhexdhexaadnimo iyo in ay soo bandhigto sawirka dhabta ah ee sida ay doorashadu u dhaceyso.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media