Tigreega oo ku faanay inay ka adkaadeen dalal ay SOMALIA ku jirto (Laba arrimood oo warkooda ka muuqda)

0

(Maqalla) 06 Luulyo 2021 – Bogga lagu magacaabo Codka Tigreega ayaa ku faanay inay ka adkaadeen dalal ay Somalia ku jirto.

Boggan oo la yiraahdo Voice of Tigray (VOT), ayaa ku faanay inay leeyihiin taariikh ay xusaan malaayiin sano oo soo socda.

”Tigraay waxay ka adkaadeen Itoobiya, Eritrea, dhamaan malliishiyaadka Itoobiya, Ciidanka Amxaarada, Somalia iyo Imaaraadka Carabta.” ayay kusoo qoreen boggooda Twitter-ka.

Arrintan ayaa muujinaysa in Tigreegu aysan rajo badan ka qabin inay Itoobiya kasii mid ahaadaan haddii ay tooda tahay, balse waxaa cajiib ah inay Somalia ku dareen dadka ay ka adkaadeen.

Taasi waxay ka dhigan tahay laba midood:

1 – In ay ula jeedaan weerarkii ay Amxaaradu Muqdisho ku qaadday 2007-dii, markaasoo ay iyagu Itoobiya ka talinayeen.

2 – Inay ula jeedaan in ciidamo Somalia ka yimid ay ku jireen ciidankii kula dagaallamay Gobolka Tigraay.

Hadalsame Media