Wiil yar oo la sheegay in lagu toogtey Jaamacadda Camuud oo uu dhiganayey!

0

(Boorama) 05 Luulyo 2021 – Xogaha laga helayo dhanka Boorama oo dhacda Galbeedka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa lagu toogtey wiil yar oo la yiraahdo Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim.

Ibraahim ayaa waxa uu dhiganayay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, waxaa sida warka lagu helayo toogasho ku diley askari ilaalo ka ahaa Jaamacadda uu dhiganayay.

Wiilka ayaa la sheegayaa in uu xirnaa funaanad kuwa uu ku ciyaaro Xulka Qaranka Somalia oo laga meteley Calanka Somalia oo leh midabka Buluugga ah.

Dad goobta dilku ka dhacay ka ag dhowaa ayaa sheegaya ii wiilka yar ay askariga murmeen ka hor inta aanu toogan oo dilin.

Wiilka la diley ayaa la sheegayaa inuu dhiganayey sanadkiisii 2-aad ee Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Injineeriyadda, taasoo uu kasoo aadey Gobolka Puntland ee woqooyi bari Somalia.

Arrintan ayaa haddii ay xaqiiqowdo noqon doonta dhacdo ugub ah oo aan loo qaateen sina u ahayn, iyadoo sidoo kale sumcad xumo aad u wayn ku noqon doonta Jaamacadda Camuud oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalka Somalia iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida.

Hadalsame Media