Somalia oo ka qaybgeleysa tartan caalami ah & dalalka ay isku guruubka yihiin (Goorta)

0

(Rabaad) 05 Luulyo 2021 – Waxaa dabayaaqada bishan dalka Marooko ka furmi doona Tartanka Junyarka 17-jirrada dalalka Carabta.

Tartankan oo uu qayb ka yahay dalkeenna Somalia ayaa furmaya 29ka bishan aannu ku jirno ee Luulyo isagoo socon doona ilaa 15ka Agoosto oo lasoo afmeerayo.

Xulka Junyarka dalkeenna Somalia ayaa nasiib u yeeshay Group D oo ay ku wehliyaan Baxrayn, Masar iyo Lubnaan.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu liita dhanka ciyaaraha kala duwan oo ay ka mid tahay midda kubadda cagta oo waloow ay Soomaalidu aad u jeceshahay aysan misna wax natiijo ah oo micne leh ka keenin, taasoo ay ugu wacan tahay burburka dalka oo lagu daray musuq iyo maamul xumi baahsan oo jirta.

Hadalsame Media