”Waan haynaa!” – Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin shalay diley wiil saqiir ah oo uu hooyadii qabey

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2021 – Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay kiiska wiil da’ yar oo dhawaan lagu dilay Muqdisho, taakaasoo hadal hayn ka dhex dhaliyay bulshada.

Booliska waxay sheegeen in gacanta ay ku soo dhigeen nin looga shakisanyahay inuu garaac nafta kaga jaray wiil afar sano jir ah oo ay dhashay haweeney ninka u dhaxday.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe) ayaa BBC u sheegay in ninka ay gacanta ku hayaan loo haysto in wiilka yar uu jirdil nafta uga qaaday.

“Waxaa wiilkaas dilay adeerkii hooyadii qabay. Waxaa dhacday in si xun uu u garaacay sida aan ka aragnay meydka wiilka yar oo saqiir ahaa. Marka ulo badan iyo jirdil noocaas ah ayaa ku yaallay sidaas ayuu wiilka ku dhintay.”

Wuxuu sheegay in haatan meel gebagabo ah uu marayo baaritaanka ku aadan kiiskan oo ay caddeymo buuxa soo bandhigi doonaan dhawaan.

“Wuxuu aad uga carooday wax yar oo uu wiilka sameeyay, markaas ayuu wiilka aad u garaacay sababta ayuu leeyahay ayaa keentay in wiilka uu naqaska ku dhago oo sidaa ku dhinto,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Arrintan oo walwal iyo walaac ka dhalisay magaalada caasimadda ah ayaa waxa ay dhacday saddexdii bishan.

Dhanka kale, taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya, S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen qof lagu eedeeyey inuu diley ilmaha yar.

S/Guuto Zakiye ayaa xaqiijisay in eedeysanahan loo haysto fal waxashnimo ah.

Waxey intaa ku dartay taliye kuxigeenka, in la dagaalanka iyo dhameynta tacadiyada lagula kaco carruurta iyo haweenka ay tahay mas’uuliyad dhaafsiisan ciidamada booliiska oo u baahan in tallaabo xooggan laga qaado.

S/Guuto Zakiya, ayaa tilmaantay in ilmaha yar markii uu ku xadgubayey eedeysanaha ah ay maqlayeen oohinta iyo dhawaqa kasoo baxaya deriska xaafadda uu falka xun ka dhacayey, balse aysan waxba ka qaban.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dhawaan ayay aheyd markii Qaramada Midoobey ay soo saartey warbixin ku saabsan xaaladda ay ku nool yihiin carruurta iyo haweenka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhibaato badan loo geysto carruurta iyo haweenka, taasoo ay hay’adda dalbatay in la joojiyo, iyadoo fartey dowladda iney xil gaar ah iska saarto waxka qabashada arrintaas.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media