Maamulka Hoteelka Sarova Stanley oo ka hadlay warka sheegaya inuu iibsadey MW Puntland

0

(Nairobi) 05 Luulyo 2021 – Waxaa beryahan suuqa ku jirey war suuqeed sheegaya in uu MW Puntland, Siciid Deni, iibsadey Hoteelka Sarova oo ka mid ah kuwa ugu caalamisan Nairobi.

Haddaba Maamulka Sarova Hotels and Resorts Kenya ayaa war kasoo saaray arrintan si ay u sharraxaan wixii run ah, iyagoo sidoo kale digniin soo saaray.

”Waxaannu ka digaynaa in warar dhex meeraysanaya Baraha Bulshada oo sheegaya in hoteelkeenna Nairobi ee Sarova Stanley uu iibsadey ganacsade xoolo badan haysta oo Soomaali ah inaan waxba ka jirin oo uu been abuur yahay.” ayay kusoo qoreen bartooda Twitter.

Hadalsame Media