”Way soo xoogaysanayaan!” – Israel oo daraasadaynaysa in gebi ahaanba ay qabsato Marinka Gaza (Walaac haysta & dagaallo ay dalal kale ku qaadi karto)

0

(Quddus) 05 Luulyo 2021 – Mac’had Amaanka Daraasadeeya oo Israeli ah ayaa soo jeediyey in Israel ay haatan khasab ku tahay inay gebi ahaanba qabsato Marinka Gaza si ay meesha uga saarto Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ee iska caabinta kala horjeeda.

Sida ay faafisay Sama News Agency, maqaal lagu qoray Jerusalem Institute for Strategy and Security, ayuu khabiirka amaan ee Israeli-ga ah ee Omer Dostri, wuxuu sheegay in Israel ay xaq u leedahay inay wajahdo ”halisaha jiritaan ee hor yaalla”, sida uu yiri.

Dostri ayaa soo jeediyey inay halisaha la wada xaasho min kuwa ugu yar ilaa kuwa ugu waawayn oo uu ku tilmaamay Barnaamijka Nukliyeerka ah ee Iiraan, isagoo sheegay in marka hore lagu duulo Gaza oo meesha laga wada saaro Xamaas, kaddibna la guda galo halista istaraatijiga ah ee xigta.

Wuxuu ku dooday in halista Marinka Gaza uu yahay gacan 2-aad marka loo eego kuwa ay Israel ka wajahso Iiraan iyo Lubnaan, balse wuxuu sheegay in haddii ay sii socoto in Xamaas ay sidan sii ahaato ay lafteedu mustaqbalka dhow noqon karto halis u dhiganta midda Iiraan iyo Xisbullaahida Lubnaan iyo xitaa Suuriya, isagoo farta ku godey in ay “Israel ku furmayaan 3 furumood – Lubnaan, Golan Heights (Suuriya) iyo Gaza.

Wuxuu kaloo walaac ka muujiyey gantaalaha ridada dheer ee ay Iiraan siinayso malliishiyaadka Shiicada ah ee Ciraaq iyo Yaman sida Xuutiyiinta.

Wuxuu soo jeediyey in Gaza lagu wajaho cudud aad uga xooggan middii hore, iyadoo xitaa loo dirayo balloons duulaya oo qaraxyo xambaarsan iyo dad gayfanayaal ah oo rabsho gacan ka hadal ah ka sameeya gidaarka agtiisa.

Hadalsame Media