”Waxay xusayeen calanka!” – 8 gabdhood oo arday u badan oo laga qabtay Laas Caanood oo haatan ku silicsan Berbera (Arrin la is waydiinayo)

0

(Hargaysa) 05 Luulyo 2021 – Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa dhaliilay sida loo dhaqmayo 8 gabdhood oo laga soo xirey magaalada Laas Caanood iyaga iyaga oo xusaya ama maamuusaya Maalinta Calanka Somalia.

Gabdhahan ayuu Guddiga Xuquuqul Insaanku sheegayaa in ay 4 maalmood jiifeen xabsi ku yaalla isla Laas Caanood kahor intii aan loo gudbiyin magaalada Berbera iyadoo aan ilaa haatan wax dembi ah lagu soo oogin oo aanay maxkamadi dhegeysanin eedda loo haysto.

Komishanka ayaa sheegay inuu gabdhahaa meesha ay ku xiran yihiin booqday 4tii bishan Luulyo isagoo sheegay in ”si wanaagsan loola dhaqmay”, balse ay ku xiran yihiin meel kulayl badan jeer ay ka fog yihiin waalidkooda iyo ehelkooda, iyadoo aan la fahmin sida ay taasi u tahay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Waxaa intaa dheer in sida uu isla Guddigu sheegay ay gabdhahani arday u badan yihiin oo ay 3 ka mid ihi ka maqan yihiin sanad-dugsiyeedkii oo bilaabmay, halka 3 kalena ay jaamacad ka dhiganayeen Laas Caanood.

Komishanka oo hoos taga isla Maamulka Somaliland ayaa war sidan oo kale u qoran horay uga sameeyey 35 gabdhood oo iyagana laga soo xaabiyey Boorama oo deeto lagu xirey Gebiley, iyadoo aan la ogayn sababta gabdhaha looga fogaynayo degaannadooda, maadaama uu maamulku halkaaba joogo meelo wax lagu xiraana ay ku yaallaan, tiiyoo aysan sharci ahayn in qof loo xiro wuxuu sitey Calanka Somalia.

Hadalsame Media