DAAWO: Tuulo Somalia ku taalla oo qof ”diyo qofeed” laga qaado haddii uu geed jaro

0

(Qaam Qaam) 05 Luulyo 2021 – Degaan ku yaalla woqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mamnuuc ah in dhirta la jaro, iyadoo uu weliba ka yaallo xeer maxalli ah oo dhigaya in la ganaaxo oo lacag laga qaado ciddii falkaa ku kacda.

Degaankaasi waa Qaam Qaam oo ay xitaa dhacday in dad dhirta jaray gebi ahaanba laga musaafuriyey halkaasi, taasoo keentay in muddo 30 sanadood ah aan geed laga jarin degaankaasi.

Degaankan ayaa qofka ka qaada wax lagu sheegay ”magta geedka”, sida uu sheegay nin uu ganaaxu ku dhacay oo tuulada laga musaafuriyey kaddib markii laga qaaday lacag ganaax ah oo dhan 1,500,000 oo shilin.

Xeerka ayaa dhigaya sidatan sida uu sharraxayo Macallin Cali Faarax oo xeerkan wax kasoo saaray:

”§Geed qofkiii dhib u gaysta haddii uu dhamaystiro waxaa laga qaadayaa ”diyo qofeed”, degaankana laga rarayo, haddii uu bar ka gooyana barkii ayaa lagu xugminayaa.”

Arrintan ayaa ka yaab leh maadaama uu degaankani ku yaallo Somalia oo dad badan la iska dilo iyada oo aan cidina is waydiinin, waxaa kale oo xusid mudan in Degaanka Qaam Qaam uu sidoo kale ku yaallo Jubbada Hoose oo ka mid ah meelaha aadka looga jaro dhirta oo weliba dhuxusha laga shido loo dhoofiyo Khaliijka ilaa Iiraan.

Somalia oo ah dal lama degaan xigeen ah ayaa lahayn siyaasad guud oo lagu badbaadinayo amaba lagu horumarinayo degaanka, iyadoo dhirta la jaro loo adeegsado xaabo iyo dhuxul, misna dhoof lagu sii darayo, waana arrin aad halis ugu ah dal Somalia oo kale ah.

Degaannada kale ayay tahay inay ku daydaan Qaam Qaam.

 

Hadalsame Media