SAWIRRO: Tigreega oo soo rigeeyey ciidan ay sheegeen inay ka qabteen DF Itoobiya (Dad Muslimiin ah oo lagu eedeeyey inay ”laayeen”)

0

(Maqalla) 03 Luulyo 2021 – Kooxda TDF (ex TPLF) ayaa soo rigeeyey askar fara badan oo ku lebbisan tuutaha Ciidanka DF Somalia, iyagoo dhex wareejinayey magaalada Maqalla iyo meelo kale oo ay qabsadeen.

Ciidamadan oo ay sheegteen inay ku qabteen dagaallo koobnaa oo dhacay maalmihii yaraa ee ugu dambeeyey ayay dadka ku lahaayeen ”hallugu qoslo”, waloow ay dadku dood ka keeneen sababta ay isu dhiibi karaan ciidan intaa tiro la’eg.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidankani yihiin ciidankii Tigreega ee ka tirsanaa kuwa DF iyo ciidamada qoowmiyado aan daacad u ahayn DF Itoobiya, balse weli war hubban lama heli karo.

Dhanka kale, DF Itoobiya ayaa kooxdan TDF ku eedaysay in magaalada Maqalla ku ”laayeen dad muslimiin ah oo halkaasi ku noolaa”.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in kooxda TDF ay si arxandarro ah u dishay ku dhowaad 38 ruux, waxaana dadkaa ku jira nin magaciisa lagu koobay Cabdulqaadir iyo mid saaxiibkii ahaa.

Warkan laftiisa lama xaqiijin karo maadaama ay qoowmiyadda Tigreega ku jiraan Muslimiin fara badan, in kasta oo ay markasta xukunka hayaan kuwa Masiixigu, waxaan sidoo kale la ogayn cidda ay u dhasheen dadka la sheegay in la diley.

Hadalsame Media