Ciidamada Maraykanka oo sanadka soo socda lagu tijaabinayo kaniini ”da’da lagula tacaalo”

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2021 – Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Maraykanka (US SOCOM) ayaa sanadka soo aaddan bilaabaya kaniini da’da lagula tacaalo, sida ay faafisay Breaking Defense.

Sida laga soo xigtey Agaasimaha Guud ee SOCOM Lt. Cmdr. Tim Hawkins, ujeedka kaniinigani ma ah “abuurista astaamo jireed oo aan awalb dabiici ahaan u jirin”, balse waa in la wanaajiyo bandhigga askarta ee meelaha ay da’du hoos u dhigto.

Breaking Defense ayaa intaa raaciyey in SOCOM ay arrintan ka wada shaqaynayaan shaybaar ay leedahay Metro International Biotech si dawadan loo soo saaro.

Waxyaaba diiradda la saarayo waxaa ka mid ah “waxyaabaha wanaajinaya bandhiga insaanka ciidan iyo madaniba – sida kordhinta adkaysiga jireed iyo kasoo kabasho deg deg ah oo dhanka dhaawacyada ah”, sida uu sheegay Hawkins.

Medical Research on the Human Body as Concept

Hadalsame Media