UKRAINE VS ENGLAND: Kulanka caawa & kulankii xalay ee Belgium vs Italy (Falanqayntii Xaaji)

0

(Roma) 03 Luulyo 2021 – Waxaa caawa fiidkii isku dheggan xulalka Ukraine iyo England. Ukraine iyo England taariikh badani ma dhex taallo, maadaama ay Ukraine muddo dheer ka tirsanaayeen Midowgii Soofiyeeti, waxaa se iskugu dambaysey kulan sxbtinimo oo barbarro ku dhamaaday 2013-kii, mar qura ayayna horay kulan rasmi ahaa u yeesheen waana Euro 2012 goortaasoo uu Wayne Rooney ku qaaraamay gool madi ahaa oo ay ku badiyeen 1-0.

Balse inta aynaan ciyaartaa falanqayn aannu ku furfuranno ciyaartii fiicnayd ee fiidkii xalay ee ay Talyaanigu iskaga fujiyeen dalka Belgium.

Waxay ciyaar lagu tilmaamay tii ugu xiise badnayd uguna dhacdooyin badnayd ilaa haatan. Daafaca Leonardo Bonucci ayaa bilowgiiba gool uu u dabaaldegey waxaa dhinac bax ku xugmiyey aaladda VAR.

Halkan ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyey Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media

Facebook Comments