Ceeb kale oo kusoo baxday Xiriirka K/Cagta Somalia! (Kabtankii Xulka Somalia oo kashifaad sameeyey)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2021 – Kabtankii rasmiga ahaa ee Xulka Qaranka Somalia ayaa ka hadlay arrin ceeb ku ah Xiriirka Kubadda Cagta Somalia oo laga sheeganayo maamul xumo, daah-furnaan la’aan iyo amar ku taaglayn.

Kabtan Axmed Cali oo ahaa ninkii hogaaminayay Xulka Somalia ciyaartii isreeb reeb-horaadka Koobka Adduunka ee aannu kulan labada lug ahaa la ciyaarnay Xulka Zimbabwe Ahmed ayaa bartiisa Instagram ku sharraxay sida ay wax u dheceen.

Wuxuu sheegay in kulankii kala baxa ahaa ee FIFA Arab World Cup oo Somalia ay dirqi uga badisay Cumaan ay ”gudasha waajibaadkii xulka ka hor istaageen Xiriirka Kubada Cagta dalkeena”.

Wuxuu sheegay in waloow uu soo xulay Saciid Haybe oo qaabilsan soo xulida ciyaartooyda dheeshey ciyaartii FIFA Arab World Cup oo dabayaaqadii bishii hore dhacday, misna xulka laga reebay isagoo u sababeeyay inuu yayahay ”cod dheer oo aan sheegidda xaqiiqda ka gabban.”

Arrintan ayaa muujinaysa in madaxda xiriirka xukuntaa ay u dhaqmaan qaab kali talis ah oo mamnuuc ka ah hay’ad la mid ah Xiriir Ciyaareed oo ah mid la doonayo inay ku dhisnaato wada tashi, is naqdin iyo madax bannaani hadal.

Hadalsame Media