”Kaydka dhiga sanadka oo dhan!” – Kylian Mbappe oo biyo kulul ku jira & waxa lagu karhayo

0

Paris Saint-Germain ayaa lagula taliyey inay kaydka ku illoobaan Kylian Mbappe “sanadka oo idil” haddii uu diido saxiixa qandaraas cusub, sida uu soo jeedinayo Eric Di Meco oo camaaliqada igue 1 u jeediyey inaysan aqbalin cadaadiska kuraygan.

Xiddig yarahan 22-jirka ah ayaan weli kooxda Parc des Princes u muujin heellanaan ku saabsan saxiixa heshiis cusub, isagoo haatan galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyey heshiiskiisa.

Waxaa sidaa darteed durba bilowday xamxam suuqa ah iyadoo uu wiilkan hantay Koobka Adduunka ee Mbappe uu ka war qabo sida uu usoo jiidanayo dareenka kooxaha kale ee qaaradda Yurub.

Yeelkeede, kooxda PSG oo ku qalabaysan kharashka aan xadka lahayn ee dalka Qadar ayaa haysata fursad ay kubbad dhagax kula dheeli karto laacibka oo ay kayd ugu dhamayn karto sanadka u dhiman.

“Waxay dhihi karaan PSG maadaama ay aad u xoog badan yihiin: ‘Ma doonaysid inaad ciyaarto sow maha? Hagaag, waxaad sanadka oo dhan fadhin kartaa kaydka.” ayuu yiri Di Meco oo la hadlayey RMC Sport.

Mbappe ayaa ku jira xilligiisii ugu xumaa waayihiisa ciyaareed, isagoo cadaadis iyo cambaarayn kala kulmaya jamaahiirta dalkiisa oo ku dhaliilsan inuu yahay kaligii ciyaar kaddib markii uu rigoore muhim ahaa dalkiisa ka cunay.

Hadalsame Media