”35 gabdhood oo Boorama laga soo xirey ayaa Maxkamad la’aan ku xabbisan Gebiley” – Guddiga Xuquuqul Insaanka

0

(Hargaysa) 02 Luulyo 2021 – Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa dhaliilay sida loo dhaqmayo 35 gabdhood oo laga soo xirey magaalada Boorama iyaga oo 26-kii Juun xusaya ama maamuusaya Maalinta Calanka Somalia.

Guddiga ayaa sheegay in gabdhahan oo lasoo qabtay 30-kii Juun iyaga oo ku lebbisan Calanka Somalia la iska xirey iyadoo aan ilaa iminka la hor keenin wax maxkamad ah, taasoo ka dhan Dastuurka Maamulka Somaliland.

”Waxaannu booqasho hablaha ugu tagtay 30-kii Juun, waxayna sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay, balse ay seexdaan goob ciriiri ah.” ayuu yiri Komishanku.

Komishankan oo si muuqata aan ka madax bannaanayn nidaamka gabdhahan xabbisay, ayaan khalad ka dhigin in qof loo xiro waxaad ku lebbisnayd Calanka Somalia oo ah aragti ka hor imanaysa dimoqraadiyadda iyo Xorriyadda is Bandhigidda qofka, balse wuxuu codsaday uun in kiiskooda la dedejiyo.

Somaliland ayaa sheegta inay ka go’day Somalia 1991-kii, waxaana had iyo goor ka dhaca dad lagu xabiso inay siteen maro buluug ah ama xitaa dhar muujinaya Calanka Somalia, iyadoo aan la ogayn sababta ay taasi dembi u tahay, maadaama dal hebel ayaan ka go’nay aysan si otomaatig ah u noqon karin dagaal ayaan kula jirnaa.

Hadalsame Media