QISO DHACDAY: Qoys ku burburay hadallada aan laga fiirsanin ee ay iska tuurayaan dadka Baraha Bulshada

0

(Hadalsame) 30 Juun 2021 – Saddex wiil iyo gabar ayuu dhalay. Xaaskiisii waxay xanuun u geeriyootay carruurtiisa oo yaryar. Hooyo iyo aabbe ayuu ilmihii u noqday, oo wuxuu dhexda u xirtay korintooda iyo barbaarintooda. Sababtaas ayuuna u guursan waayay xaas kale.

Hadda oo uu 61-jir yahay, ilmihiisa tan ugu yarna ay 23 jir tahay ayuu go’aansaday in uu guursado. Wiilkiisa oo dibadda uga yimid in uu u guuriyo ayaa Facebook soo dhigay sawirro uu ugu hambalyeynayo aabbihiis oo guursaday gabar 21 jir ah oo ay isfahmeen.

Dad Facebook ku arkay ayaa sawirradii la kala orday, waxayna ku soo qoreen: war gabadhaan yar maxaa odaygaan u geeyay?

Sawirradoodii iyo hadalladii dadka ayaa Facebook qabsaday. Hadalladaasi waxay saameeyeen qalbigii gabadha, furriin ayayna ka dalbatay. Asbuuc kadibna waa lagu kala tegay gurigii qanaacada iyo isfahamka ku dhismay.

Qofku isaga ayaa u madax-bannaan go’aannadiisa, kaana yaqaanno dantiisa, ee fadlan ha faragelin nolosha dadka kale, oo ha dumin guri dhisan adigoo aan ogeyn, oo buuq iyo mushkilad haka dhex abuurin dad qanaaco iyo isfaham isku guursaday. “Ku mashquulka qayrkaa, qorshe dhaama baa jira.”

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media