Halgamaa wax badan ka qabtay xorriyad raadintii oo aan la xusin (Waa midkee?)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2021 – Halgamaa la illaaway ( Xaaji Juuni).

1950aadkii ayaa Talyaanigii Xamar joogay amar ku bixiyey in qof ka tirsan SYL aan shaqo la siin karin.

Dhalinyaradii waxaa soo food saartay masruuf la’aan iyo nolol ciriiri ah. Laakiin nin Soomaaliyeed oo lagu naynaasi jirey JUUNI ayaa makhaayad uu ku lahaa xaafaddii Isku-raran bilaash uga dhigay dhammaan dhallinyaradii SYL.

Magacooda ayuu qori jirey oo oran jirey waagii aad wax heshaan iska keena. Wuxuu kaloo juuni dhalinayarada deyn u siin jirey lacag ay saabuun iyo dhar ku iibsadaan.

Waxaa dhacday in maalin xaafaddii Isku-raran oo ka dhisnayd guryo isu dhaw-dhaw uu dab qabsaday. Dhallinyaradii SYL ayaa isugu yimi makhaayaddii Juuni si ay uga hor tagaan in dabku soo gaaro makhaayadda.

Waagii xorriyadda la qaatay ayaa dhallinyaradii shaqooyin fiican heleen oo qaarkood dibedda u dhoofeen.

Bil walba waxay Juuni u soo diri jireen lacag ay ugu gudayaan deyntiisii. Waxaa la ii sheegay in mar dambe ilmihiisii furteen makhaayad oo sidiisii u dhaqan wanaagsanaayeen oo weliba lacago aabahood laga qaatay loo keeni jirey.

Waan jeclaa inaan ogaado taariikhda halgamaa Juuni. Waxaa keliya oo la ii sheegay inuu u dhashay beesha Abgaal (aqoonsi). Ilaahay ha u naxariisto.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media