Amxaarada oo u hanjabtey Tigreega (Degaan ballaaran oo ay Amxaaradu dib u qabsatay oo la isku haysto)

0

(Gondar) 30 Juun 2021 – Xidbiga Amxaarada ee Amhara Prosperity Party (APP) ayaa u digey Ciidamada Tigreega ee TDF in aanay “Amxaaradu waxba la hari doonin” haddii ay Tigreegu isku dayaan inay ”xoog iyo sharci darro” ku qabsadaan dhulka Galbeedka Tigraay, sida ay yiraahdeen.

Qaybo badan oo ka tirsan Galbeedka Tigraay ayaa waxaa qabsatay Maamul-goboleedka Amxaarada, taasoo uu Wasiir Dibadeedka Maraykanku horay ugu tilmaamay “isir sifayn.”

“Dadka Amxaaradu marna aarsi doon ma noqon, balse taasi kama dhigna inay u dulqaadan doonaan dadka bareejo doonka ah,’” ayaa lagu yiri war kasoo baxay APP.

“Waxaan ku celinaynaa in dhulalka Wolkait, Tegede, Telemt iyo Raya ay yihiin dhul Amxaaro oo lagu xoreeyey dhiig loo huray.” ayay daba dhigeen Amxaaradu.

Amxaarada ayaa warkan soo saartay kaddib markii ay Reuters soo xigatey Getachew Reda oo leh: “Ujeedkeenna koowaad waa in aannu wiiqno cududda cadowga, marka haddii loo baahdo in aannu Amxaaro ama Eritrea weerarno waan yeeli doonnaa.”

28-kii Juun ayay DF Itoobiya sheegtay inay aqbashay codsi uu u jeediyey Maamulka KMG ah ee Tigraay, kaasoo ahaa inay ku dhawaaqdo xabbad joojin hal gees ah, taasoo keentay in ciidamada Tigreegu ay qabsadaan Maqalla, iyagoo diidey xabbad joojintaas loo wadacay.

Hadalsame Media

Facebook Comments