Hal arrin oo lagaaga digayo haddii aad caawa u dabbaaldegeyso Maamuuska 1-da Luulyo

0

(Muqdisho) 30 Juun 2021 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Somalia, Jeneraal Cabdullaahi Buula-Kamey, ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed uga digey inay ka waantoobaan qaab loogu dabbaal dego maalmaha farxadda oo aan amaan ahayn.

Jeneraalka ayaa ku baaqay in “ummada Soomaaliyeed ee u dabaal degeysa munaasabadda 1-da Luulyo” aysan marna ku dabaaldegin riditaanka rasaas nool nool oo lagu argagixiyo ama dhibaato loogu gaysto shacabka, isagoo xusay in horay dad shacab ah khasaare usoo gaarey.

“Sanadkii hore waxaa dhacday in rasaastii macna darrada loo riday in dad shacab ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo aan waxba galabsanin.” ayuu yiri Jeneraalku.

Wax 2 saacadood ka yar ayaa ka harsan saaritaanka calanka iyo maamuuska 1-da Luulyo oo ku beegan maalintii xorriyadda koonfurta iyo midowgii Somalia oo ku beegnayd 1-da Luulyo 1960-kii oo haatan laga joogo 61 sanadood, waloow aan sidii la rabey xorriyaddaa loo hanan oo uu dalku maanta dhulka yaallo iyadoo lagu kala hagayo siyaasado han yar oo ay horseed ka yihiin siyaasiyiin dhowaan-arag ah.

Hadalsame Media